Siday u shaqaysa SoPay?
SoPay waa adeeg casri ah oo moobilka ku shaqeeya kaaso guud ahaan ka shaqaya Somalia/Somaliland isla markaana aad si fudud lacag ugu diri karto ehelkaga iyo asxaabtada. Qaadashada lacagaha waa gebi ahaanba waa bilaash iyo degdeg.
Adigoo adeegsanaya Transfer Galaxy, waxaad u diri kartaa lacag ilbidhiqsiyo gudahood akoonada SoPay ee guud ahaan Soomaaliya.
Sidee baan lacag ugu diri kara SoPay anigoo adeegsanaya Transfer Galaxy?
- Gal akoonkaga Transfer Galaxy.
- Bedel qofka (Soomaaliya / Somaliland)
- Dooro adeegga - Dooro adeegga moobilka.
- Dooro networka – kadib dooro SoPay.
- Ku dhufo ‘Kaydso Qofka
- Gali inta aad rabto inaad dirto
- Faahfaahinta Xisaabta, Khidmadu waxay noqon '0 SEK'.
- Ku dhufo ‘Sii wad’
Miyaan lacag u diri karaa qof aan haysan SoPay?
Hadii aad u dirto lacag qof aan haysan SoPay, wuxu heli doona SMS link la socdo kaas oo tilmaami doona sidu u samaysan karo akoon.
Kadib marka uu qofka samaysto akoon, lacagtu waxay u gali doonta akoonka uu samaystay ee SoPay.
Wejiga koowaad ee adeeggan cusub, qaatuhu wuxuu ka heli karaa lacagtiisa mid ka mid ah wakiillada SoPay ee halkan ku xusan halkan. Tirada wakiillada iyo meheraduhu way sii kordhayaan, liiska cusub oo dhamaystiran markasta waxad kala socon kartaa qaybta "wakiilada & ganacsatada" SoPay.
Fadlan halkan ku dhufo si aad u hesho macluumaadka SoPay.