Waa maxay “xadka billaha ah”?

Xadka bisha waa xaddiga lacageed ee ugu badan ee aad diri karto hal bil gudaheed. Xadidkani waxuu dib u bilaabanaya 1 bilkasta,wayna kala duwan tahay qof walba.

 

Sideen u hubin karaa xadkeyga billaha ah?

  1. Haddii aad ka hubineyso xadkaaga billaha ah ee Appka Transfer Galaxy Money:
    • Gal koontadaada 
    • Ku guji astaanta '⚙️' ee dhinaca midigta sare si aad uhesho madasha hagaajinta
    • Xaddiggaaga billaha ah waxad ka arki karta magacaaga hoostisa.
  2. Haddii aad ka hubineyso xadkaada billaha ah bogga internetka ee Transfer Galaxy:
    • Gal koontadaada
    • ku dhufo akoonkayga, kadib 'Xisaabta lacagtayda'
    • Xaddigaaga billaha ah waxaa lagu muujiyey hoosta cinwaanka 'Xaalada diristayda'.

 

Suurtagal ma tahay in la kordhiyo xadka bisha?

Haddii aad tahay qof dagan iswiidhan aadna ubaahantahay inaad dirto lacag ka badan xadkaaga billaha ah, fadlan eeg Waa maxay "xad dhaaf"?

 

Waxaan rabnaa inaan ku xasuusino in adeegeenna loogu talagalay ujeedooyin gaar ahaaneed. Waxaad lacag ka diri kartaa naftada kaliya. Haddaad ka caawineysid xubin qoyska ka mid ah inay lacag soo diraan, waxaan kugu boorinaynaa inaad gacan ka u samayso koonto. Adoo wakiil ka ah qof kale ama ka diraya lacag waxay sababi kartaa in lagaa xanibo akoonkaga.

 

Su'aalaha kale ee quseeya xadkaaga? Fadlan nala soo xiriir.

A fost util acest articol?
34 din 43 au considerat acest conținut util