Ma jiraan wax lacag dheeraad ah oo lagu bixiyo kaarka?
Markaad ku bixiso kaar bangi (debit card), badanaa wax kharash dheeri ah ma jiro. Si kastaba ha ahaatee, dalal qaar waxaan ku dallacnaa kharash kaar, waxaana si cad laguugu tusayaa haddii kharash jiro markaad lacag bixineyso (checkout).
Qaar ka mid ah shirkadaha bixiya kaararka deynta (credit cards) ayaa laga yaabaa inay ku dallacaan kharash maadaama lacag diristu loo aqoonsado “cash transfer.” Kharashkaas, haddii uu jiro, wuxuu ku xiran yahay shuruudaha iyo xaaladaha kaarkaaga, mana aha kharash ay Transfer Galaxy kugu dallacayso.