Maxay tahay sababta kaarkeyga loo diiday?
Kaarkaaga waxaa laga yaabaa in loo diiday qaar sababo daraadeed, waxaa laga yaabaa in laga diiday bankigaaga ama Transfer Galaxy sababtuna tahay:
- Faahfaahin khaldan: Fadlan hubi mar labaad in faahfaahinta kaarkaaga si sax ah aad u galisay.
- Barida amniga ee bangiga: bangigaaga ayaa laga yaabaa inuu diiday sababo amniga ah daraadeed, gaar ahaan haddii ay ahayd lacag bixin aan la filayn. Fadlan la xiriir bangigaaga si aad u ogeysiiso inaad isku dayayso inaad lacag ka dirto Transfer Galaxy.
- Kaararka aan la taageerin: Transfer Galaxy ma oggolaado kaararka ah horey-u-bixin (prepaid) ama kaararka shirkadaha loogu talagalay koontooyinka shakhsi ahaaneed.
- Kaarka waxaa iska leh qof kale: Fadlan hubso inaad isticmaashid kaar adiga kuu gaar ah. Magaca kaarka ku qoran wuxuu u baahan yahay inuu la mid noqdo magaca koontadaada /xisaabtaada ee Transfer Galaxy.
- Kaarka waxaa loo isticmaalay koonta kale ee Transfer Galaxy: adigoo awood kaliya u leh inaad lahaato hal koonto qofkiiba, isla kaarka looma isticmaali karo koontooyin badan.