Sidee baan u bixin karaa xawilada?

Ku bixi debit ama credit card

Si aad ugu bixiso kaarka debit-kaama credit-ka wax yaabahan soo socda ayaad u baahantahay:

  • 16 nambar ee kaarka
  • xiliguu dhacayo
  • Nambarka CVV/CVC (3da nambar ee kaarka kaga yaala xaga danbe)

Kaarkaagu waa inuu lahaado amniga 3D. Ka hubso kaarkaaga si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Waxaan aqbalnaa Visa ama Mastercard kasta oo laga soo saaro wadamada aan ka dirno lacagta. Waa inaad isticmaashaa kaarkaaga keliya. Hubso in magaca ku qoran kaarka uu la mid yahay magaca koontadaada Transfer Galaxy. Ma aqbalno kaararka lacagta lagu shubo ee ku meel gaarka ah ama kaararka shirkadaha.

Wax badan ka ogow adoo ku bixinaya kaarka debit ama credit..

Ku bixi habka bangiga tooska ah

Waxaan iskaashi la leenahay Trustly si aan kuugu fududeyno oo hab amaan ah lacag uga dirto akoonkaaga bangiga.

Si aad u bixiyo, raac tilmaamaha shaashadda Trustly. Waxaad ku gali doontaa akoonkaga bangiga tooska. Hubso in magaca akoonkaaga bangiga uu u dhigmayo magaca ku qoran akoonkaaga Transfer Galaxy.

Wax badan ka ogow Ku bixinta Trustly.

Ku bixi Giropay

Si aad ugu bixiso akoonkaaga bangiga Jarmalka adoo adeegsanaya Giropay, diyaarso magacaaga 'Anmeldename' iyo PIN-kaaga

Haddii aadan ka heli karin bangigaaga Giropay, dooro qaab cusub oo lacag bixin ah.

Wax badan ka ogow Ku bixinta Giropay.

A fost util acest articol?
458 din 619 au considerat acest conținut util