U dirista lacag Somalia

Muddo intee le'eg ayay wareejintaydu qaadan doonta?

Waqtiga dirista ee Soomaaliya waxay kuxirantahay habka gudbinta, shabakadda, iyo goorta aad bilowdo wareejintaada.

 

Wareejinta lacagta kaash ah ayaa la heli karaa daqiiqado gudahood. Xawaaladaha mobilada sida caadiga ah waxay qaataan inta udhaxeysa daqiiqado yar ilaa 24 saacadood si ay u yimaadaan. Tani waxay kuxirantahay marka aad bilowdo wareejinta iyo inaad isticmaasho EVC Plus, Sahal ama Premier wallet.

 

EVC Plus, wareejinta badankood waxay ku yimaadaan 2 saacadood gudahood. Haddii aad lacag dirto wixii ka dambeeya 18:00 waqtiga maxalliga ah ee Soomaaliya (GMT + 3), lacagtaadu waxay imaan doontaa maalinta ganacsiga ee xigta.

 

Sahal, wareejinta badankood waxay ku yimaadaan 24 saacadood gudahood. Haddii aad lacag dirto inta u dhexeysa Khamiista 16:00 illaa Jimcaha 20:00 waqtiga maxalliga ah ee Soomaaliya, lacagtaadu waxay imaan doontaa maalinta ganacsiga ee xigta.

Premier wallet, wareejintu waxay ku yimaadaan daqiiqado yar gudahood.

 

Marar dhif ah, wareejinta ayaa dib u dhacda sababo ka baxsan awoodeena xakamaynta. Kuwaas waxaa ka mid noqon kara kala-goynta korantada, internetka, ama adeegyada taleefannada.

 

Immisa lacag ah ayaan diri karaa?

Xaddidka aad ku dirsan karto waxay ku xidh'naan kartaa halka aad joogto iyo sida aad lacagta u dirto. Waxaad ka eegi kartaa xadka diristaada adoo ku buuxinaya qaddar lacag ah bogga internetkayaga.

 

Xagee laga heli kara xawilaad lacageed?

Wareejinta lacag kaashka ah ayaa laga heli karaa daqiiqado gudahood Premier Bank ama laamaha Juba Express. Halkan guji si aad u hesho liis buuxa oo laamo ah.

A fost util acest articol?
104 din 209 au considerat acest conținut util