Sidee lacag dirista bangiga u shaqeeysaa? (Taylaan)

Adeega bangi ku dirista, wuxuu kuu sahlayaa in aad lacag ku dirsato koontada bangiga qaatahaaga. Waqtigan, waxaad bangi lacag ugu diri kartaa Taylaan, iyo Turkiga.

Si aad bangi lacag ugu dirtid, dooro "Bank Deposit" habka lacag dirashada. Ku dar lambarka koontada qaatahaaga iyo SWIFT koodhka. Dirashada bangiga lama kansali karo, marka iska hubi in lambarka koontada iyo SWIFT koodhka ay saxanyihiin. Si aad wax badan ugu ogaatid SWIFT koodhka, eeg Waa maxay SWIFT koodh?

Waxaynu bangi lacag ugu dirnaa Thai bht(THB).

Bangi lacag ku dirista waxay ku xirantahay saacadaha shaqada ee dalka qaataha. Taylaan, inta badan saacadaha shaqada waa Isniin ilaa Jimco 9:00 ilaa 17:00 waqtiga gudaha (GMT+7). Inta badan, lacagtu waxay gaareysaa 24 saac gudaheed. Haddii aad lacag dirsato isbuuc dhamaadka, maalmaha ciidaha, ama waqti ku dhaw xiliga la xirayo, lacagtaado waxaa la heli karaa kaliya maalinta ugu soo horeyso ee shaqada.

A fost util acest articol?
1 din 1 au considerat acest conținut util