Waa maxay SWIFT (BIC) koodh?

Koodhka SWIFT-ga waa koodh caalami ah oo ay bangiyada isticmaalaan. Waxa uu xambaarsanyahay xogaha aynu u baahannahay oo idil si ay bangigi saxda ahaa lacag ugu dirno. SWIFT koodhka waxaa mararka qaar lagu magacaabaa BIC (Koodhka Aqoonsiga Ganacsiga).

Markii aad bangi lacag ku diraysid, waxaynu ku waydiineynaa SWIFT koodhka bangiga qaataha. Haddii qaatuhu uusan aqoon SWIFT koodhka, waxaad ku dhahdaa ka eeg dhaqdhaaaqa bangiga. Sidoo kale bangiga ayay la xiriiri karaan. Waa muhiim in aad isticmaashid SWIFT koodh sax ah markii aad lacag diraysid. Haddii SWIFT koodhka qalad yahay, waxaa dhici karta in aan lacagtaada ku dirno meel qalad ah, ama bangigaagu kugu soo dalaco qarash dheeri ah.

Hab dhismeedka SWIFT koodhka waa caalami. Wuxuu sheegaa dalka, bangiga iyo laanta. SWIFT koodhka waxa uu noqon karaa ilaa 11 lambar iyo xarfo. Qaabka iyo inta uu ka koobanyahay waxay ku xirantahay dalka iyo bangiga.

Tusaale ahaan, SWIFT koodh Thai ah waxa uu ka kooban yahay 8 ama 11 xaraf.

KRTHTHBKXXX

 

KRTH -- waa koodhka aqoonsiga bangiga

TH -- dalka

BK -- goobta uu wadanka ka yahay

XXX -- koodhka laanta

A fost util acest articol?
46 din 56 au considerat acest conținut util