Sideen u isticmaali karaa qiimadhimista?

Haddii aad qiimadhimis haysatid waxaad ku darsan kartaa dirashadaada inta aadan bixin lacagta.

Haddii aad qiimadhimis ku heshay qof ku casuumay awgeed, waxaad ku darsan kartaa dirasha kasta oo ka badan 500 SEK. Haddii aad qiimadhimis ku heshay qof aad casuumtay awgeedna, waxaad qiimadhimistaada ku darsan kartaa dirasha kasta oo ka badan 1000 SEK. Cadadkani waa mid u go'an dhamaan lacagaha aynu dirno.

Eeg cadadka inta uu noqonayo markii loo bedelo lacagaha aynu dirno oo dhan.

 

 


Halkeen ka arki karaa qiimadhimistayda oo dhan?
Fur app-ka ama transfergalaxy.com. "Akoonkayga" gudahiisa, ka dooro "casuum asxaabta" ka dibna "Lasoco casuumadaha.

Ma ku darsan karaa in ka badan hal qiimadhimis dirashadiiba?
Maya. Waxaad ku darsan kartaa kaliya hal qiimadhimis dirashadiiba.

Ma ku wada darsan karaa qiimadhimis iyo sumad isla hal dirasho?
Haa waad ku darsan kartaa qiimadhimis iyo sumad isla hal dirasho.

Dib ma u dhigan karaa qiimadhimistayda?
Haa. Qasab ma'ahan in aad isticmaashid qiimadhimista. Haddii aad doontid waxaad u keydsan kartaa in aad ku darsatid markii aad dirsanaysid lacag badan, waana caadi taa. Laakiin xusuusnow, qiimadhimista waxay ku egtahay mudo 1 sano ah.

A fost util acest articol?
230 din 278 au considerat acest conținut util