Waa maxay xad kororsi?

Xad kororsiga waa xad koror ku meel gaar ah oo ka baxsan xadkaaga billaha. Waxaan xad kordhinta u sameyneynaa macaamiisha u baahan in ay dirsadaan lacag ka badan xadkooda billaha oo ay ugu talagaleen ujeedo gaar ah.

Si aad u dalbatid xad koror:

  • Waa in aad leedahay BankID Iswiidhan ah
  • Waa in aad lacag ka dirsaneysay Transfer Galaxy ugu yaraan 1 bil ama in ka badan inta aadan dalban xad kororsi.

Marka aan ansixinno dalabkaaga, waxaad heleysaa muddo hal bil ah oo aad ku dirsatid lacagta laguu kordhiyay. Haddii uu waqtiga xad kororsiga kaa dhaco, koontadaada waxay dib iskuugu soo celin doontaa xadka billaha caadiga ah.

Wixii faahfaahin ku saabsan xadka billaha, eeg Waa maxay xad bille?

Sideen u dalban karaa xad kororsi?

Dalabka xad kororsiga wuxuu haatan u furanyahay kaliya macaamiisha ku nool Iswiidhan.

Si aad u dalbatid xad kordhin:

Marka aad dalbaneysid xad kororsi, waxaan kaa rabnaa dukumiintiyo iyo xog dheeraad ah. Waxaan xogtaan u isticmaaleynaa in aan kuugu adeegno kuna ilaalino koontadaada.

Eeg dukumiintiyada iyo xogta aan kaaga baahannahay

Intee ayay qaadaneysaa in laguugu soo jawaabo markaad dalab gudbisatid?

Waxay inta badan nagu qaadataa 48 saacadood in aan kuugu soo jawaabno laga bilaabo waqtiga aad dalabka noo soo dirtid.

Hubi in aad noo soo dirtid dhamaan dukumiintiyada iyo xogta loo baahanyahay. Markasta oo ay xogtaada si fiican u qeexantahay una koobantahay, waxay kuu sahleysaa in aan dalabkaaga si dhaqsi ah uga soo jawaabno.

Fiiro gaar ah:

Waxaan rabnaa in aan ku xasuusino in adeegeena loogu tala galay arimahaaga shaqsiyadeed kaliya. Waxaad lacag ka diri kartaa nafsadaada. Haddii aad waqti xaadirkaan lacag ka direysid qof qoyskaaga ah, waxaan kugu boorineynaa in aad ka caawisid in aad akoon u sameysid iyaga. In aad qof kale lacag ka dirtid waxay sababi kartaa in la xiro akoonkaaga.

Su'aalo miyaad ka qabtaa xadkaaga?Nala soo xiriir.

A fost util acest articol?
79 din 112 au considerat acest conținut util