Dukumiintiyadeen u baahanahay marka aan rabo in aan dalbado xad kororsi?

Marka aad dalbaneysid xad kororsi, waxaan kaa rabnaa dukumiintiyo iyo xog dheeraad ah. Waxaan xogtaan u isticmaaleynaa in aan kuugu adeegno akoonkaagana ku ilaalino. Cidna lama wadaagi doonno sabab kalena uma isticmaali doonno xogtaada.

Waxaa jiro dukumiintiyo aan ka rabto dalabkastaa si guud ahaan ah.

Tusaale ahaan, dukumiintiyada aan rabno waxaa ka mid ah:

  • Sawirka baasaboorkaaga
  • Aqoonsiga qaatahaaga - wuxuu noqon karaa baasaboor, aqoonsi qaran ama leysanka darawalka.
  • Dhaqdhaqaaq bangi

Waxaa kaloo laga yaabaa in aan ku weydiino dukumiintiyo cadeynaya halka lacagta kaa soo gashay. Waxaan ku weydiineynaa kaliya qaar ka mid ah, waana kula socodsiineynaa waxa aad ku baahantahay in aad noo soo dirtid marka aad dalbaneysid xad kororsiga.

Tusaale ahaan, dukumiintiyada aan rabno waxaa ka mid ah:

  • Jeega mushaarka - waa in uu ahaa 3dii bilood ee la soo dhaafay
  • Heshiis iib - dhismo, guri ama gaari aad iska iibisay
  • Heshiis amaah - oo muujinaayo cadadka iyo sababta amaahda
  • Shahaado saami maalgashi ah

Fiiro gaar ah:

Waxaan rabnaa in aan ku xasuusino in adeegeena loogu tala galay arimahaaga shaqsiyadeed kaliya. Waxaad lacag ka diri kartaa nafsadaada. Haddii aad waqti xaadirkaan lacag ka direysid qof qoyskaaga ah, waxaan kugu boorineynaa in aad ka caawisid in aad akoon u sameysid iyaga. In aad qof kale lacag ka dirtid waxay sababi kartaa in la xiro akoonkaaga.

Su'aalo miyaad ka qabtaa xadkaaga?Nala soo xiriir.

A fost util acest articol?
21 din 32 au considerat acest conținut util