Waa maxay xad bille?

Xadka billaha ah waa lacagta ugu badan ee aad dirsan karto inta lagu guda jiro hal bil gudaheed. Xad billaha wuxuu is-cusbooneysiiyaa 1 (kowda) bil kasta.

 

Sideen u ogaan karaa xadkeyga billaha?

Si aad app-ka uga ogaatid xadkaaga billaha ah: Gal akoonkaaga kadibna riix calaamada setting-ka. Xogta xadkaaga billaha waxaad ka arkeysaa magacaaga hoostiisa.

Si aad website-ka uga ogaatidna: Gal akoonkaaga kadibna menu-ga ka dooro 'Dirashooyonkeyga'. Xogta xadkaaga billaha waxaad ka arkeysaa qeybta 'Xaalada diristayda' hoosteeda.

 

Ma kororsan karaa xadkeyga billaha?

Waxaa xad kororsi dalban kara kaliya macaamiisha dalka Iswiidhan degan. Waad dalban kartaa marka aad rabtid in aad dirsatid wax ka badan xadkaaga billaha. Wixii faahfaahin dheeri ah, eeg Waa maxay xad kororsi?

 

 

Fiiro gaar ah:

Waxaan rabnaa in aan ku xasuusino in adeegeena loogu tala galay arimahaaga shaqsiyadeed kaliya. Waxaad lacag ka diri kartaa nafsadaada. Haddii aad waqti xaadirkaan lacag ka direysid qof qoyskaaga ah, waxaan kugu boorineynaa in aad ka caawisid in aad akoon u sameysid iyaga. In aad qof kale lacag ka dirtid waxay sababi kartaa in la xiro akoonkaaga.

Su'aalo miyaad ka qabtaa xadkaaga? Nala soo xiriir.

 

 

A fost util acest articol?
205 din 296 au considerat acest conținut util