Maxay tahay sababta kaarkeyga loo diiday?

Kaarkaaga waxaa laga yaabaa in loo diiday qaar sababo  daraadeed, waxaa laga yaabaa in laga diiday  bankigaaga ama TransferGalaxy sababtuna tahay:

- Faahfaahin khaldan: Fadlan hubi mar labaad  in faahfaahinta kaarkaaga si sax ah aad u galisay.

- Barida amniga ee bangiga: bangigaaga ayaa laga yaabaa inuu diiday sababo amniga ah daraadeed, gaar ahaan haddii ay ahayd  lacag bixin aan la filayn. Fadlan la xiriir bangigaaga si aad u ogeysiiso inaad isku dayayso inaad lacag ka dirto TransferGalaxy.

- Kaararka aan la taageerin: TransferGalaxy ma oggolaado kaararka ah horey-u-bixin (prepaid)  ama kaararka shirkadaha loogu talagalay koontooyinka shakhsi ahaaneed.

- Kaarka waxaa iska leh qof kale: Fadlan hubso inaad isticmaashid kaar  adiga kuu gaar ah. Magaca kaarka ku qoran wuxuu u baahan yahay inuu la mid noqdo magaca koontadaada /xisaabtaada ee TransferGalaxy.

- Kaarka waxaa loo isticmaalay koonta kale ee TransferGalaxy: adigoo awood kaliya u leh inaad lahaato hal koonto qofkiiba, isla kaarka looma isticmaali karo koontooyin badan.

Was this article helpful?
0 out of 0 found this helpful