Sidee baan u gelin karaa AQOONSIGEYGA anigoo isticmaalaya kumbuyuutarka?

 

 

Xaqiijinta  AQOONSIGA iyada oo la isticmaalaya  kombiyuutarka

Isticmaal habkan haddii aad ku kaydisay sawirada dokumentiyadaada AQOONSIGA  kombuyuutarkaaga. HubI inaadan isticmaalin qaabab fayl ah iyo sawiro oo aan la taageerin.
1. Gal barta adigoo isticmaalaya emailka iyo ereyga sirta aad ku diiwaangashay.
2. Diyaarso dukumeentigaaga AQOONSIGA oo riix 'Varify'.
3. Dooro khiyaarka ugugu haboon dukumeentigaaga AQOONSIGA: baasaboorka, liisanka darawalnimada ama kaarka AQOONSIGA.
4. Dooro khiyaarka 'Upload a saved photo from your computer'.
5. Nidaamka ayaa si toos ah u falanqeyn doona sawirkaaga. Haddii uu soo celiyo digniin, riix batonka  'Take again' oo dooro sawir kale.
6. Haddii aysan jirin wax digniin ah, riix 'Confirm'.
7. Haddii aad isticmaaleyso liisanka darawalnimada ama kaarka AQOONSIGA, raac isla tilmaamahaa loo geli sawir cad  ah  ee dhinaca dambe ee dukumintiga.
8. Hab-socodka  xaqiijinta ayaa bilaaban doona, waxaana laguu wareejin doonaa bog internet ku meel gaar ah.
9. Marka aqoonsigaaga la xaqiijiyo, waxaad heli doontaa ogeysiis qoraal ah. Xaqiijinta waxay caadi ahaan qaadataa 5-15 daqiiqadood iyada oo ay ku xiran tahay meesha aad joogto.

Xaqiijinta aqoonsiga iyada oo loo marayo kombiyuutar iyadoo la  isticmaalaya qalab taleefanka gacanta si sawiro loogu qaado

Isticmaal doorashadan haddii aadan haysan wax sawiro ah ee dukumiintigaaga AQOONSIGA oo ku keydsan kombuyuutarkaaga laakiin aad heysato qalab taleefanka gacanta ah oo aad isticmaali karto si aad sawiro ku qaado.
1. Gal barta adigoo isticmaalaya emailka iyo ereyga sirta aad ku diiwaangashay.
2.Diyaarso dukumeentigaaga AQOONSIGA oo riix 'Verify'.
3.Dooro khiyaarka ugugu haboon dukumeentigaaga AQOONSIGA: baasaboorka, liisanka darawalnimada ama kaarka AQOONSIGA.
4. Dooro khiyaarka 'Need to use your mobile to take photos?'
5. Geli / Qor wadankaaga iyo lambarka taleefankaaga gacanta ee aad sheegtay markii aad isdiiwaangalisay. Riix 'Send link' oo ku daa browser-ka in uu furnaado.
6. Fur fariinta qoraalka ee qalabkaaaga taleefanka gacanta oo riix linkiga laguu soo diray . Linkiga / xiriirka wuxuu kuu gudbin doonaa bar internetka ah  oo kaa codsanaya inaad galiso sawiradaada. Riix batonka kaamarada.
7. Sawir ka qaadO dukumeentigaaga AQOONSIGA boggan internetka oo riix 'Confirm'. Riix 'Use photo'.
8. Nidaamka ayaa si toos ah u falanqeyn doona sawirkaaga. Haddii uu soo celiyo digniin, riix batonka  'Take again' oo qaad sawir cusub.
9. Haddii aysan jirin wax digniin ah, riix 'Confirm'.
10. Haddii aad isticmaaleyso liisanka darawalnimada ama kaarka AQOONSIGA, raac isla tilmaamahaa loo geli sawir cad  ah  ee dhinaca dambe ee dukumintiga.
11. Ku noqo  kumbuyuutarkaaga oo ka riix batonka 'Submit document' browser-kaaga.
12. Hab-socodka  xaqiijinta ayaa bilaaban doona, waxaana laguu wareejin doonaa bog internet ku meel gaar ah.
13. Marka aqoonsigaaga la xaqiijiyo, waxaad heli doontaa ogeysiis qoraal ah. Xaqiijinta waxay caadi ahaan qaadataa 5-15 daqiiqadood iyada oo ay ku xiran tahay meesha aad joogto.

Was this article helpful?
0 out of 1 found this helpful